Dibadbaxyo dhimasho dhaliyay oo ka dhacay Haiti.

0
368

Isniin 11 Feebarayo 2019 (RBB News) – Mucaaradka dalka Haiti ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalooyin ka tirsan dalkaasi, waxay ugu baaqayaan madaxweyne Jovenel Moise inuu xilka ka dego.

Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu dilay halka tiro dad ah ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo maalmihii lasoo dhaafay ka socday caasimadda dalka Haiti.

Shacabka Haiti waxay ku eedeeyeen madaxweynaha iyo saraakiisha dalkaasi inay geysteen musuq maasuq.

Kumanaan qof ayaa toddobaadkan bannaanbaxyo rabshada ka dhigay dalkaasi.

Madaxweyne Moise oo xilka hayay tan iyo sanadkii 2017-kii ayaa ugu baaqay mucaaradka inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan.

Kooxaha mucaaradka Haiti ayaa ku dhawaaqay dibadbaxyo hor leh markii maxkamadda dalkaasi ay ku warrantay in saraakiil isugu jiro wasiiro hore iyo kuwa hadda xilka hayo ay isdaba mariyeen lacago loogu talagalay mashaaricda horumarineed ee dalkaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay in madaxweynaha uu ku lug leeyahay fadeexadda musuq.

Haiti waa dalka ugu saboolsan dalalka ku yaalla Caribbean-ka, boqolkiiba 60 shacabka waa dad sabool ah.