Diyaarad ay leedahay Imaaraatka oo Lagu Bur buriyay Liibiya

0
269

Arbaco RBB News:- Ciidanka xooga Liibiya ayaa dhulka soo dhigay diyaarad nooca dagaalka oo Imaaraadka carabta ku wareejiyay maleeshiyada ku sugan bariga Liibiya.

Xukuumada caalamka aqoon sanyahay ee Tripoli ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay talaadada maanta ah lagu xaqiijiyay in gantaalaha difaaca ay diyaarad nooca duuliyaha aan laheyn ee Drone ku burburiyeen bariga magaalada Misraata.

Dowlada Liibiya ayaa muuqaalo ay soo dhigtay baraha bulshada sidoo kale waxay muujinayaan in diyaarada aheyd nooca Wing Loong oo Shiinaha soo Saaray.

Janaraalka Mucaaradka oo lagu magacaabo Khaliifa Haftar ayaa dagaal kula jira ciidanka dowlada Isaga oo taageero ka helaya dowlada shisheeye oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Masar iyo Sacuudiga.

Tan iyo sanadkii 2014-kii ayaa dalkaan hodanka ku ah saliida ee ku yaal waqooyiga Afrika wuxuu u kala qeybsamay laba dhinac iyadoo colaada dalkan ka jirta lagu eedeeyay wadamada Carabta