Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkii ugu horeeyay muddo 40 sano ka bilowday Muqdisho

13
17854

Friday November 9, 2018 (RBB NEWS) – Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilowday duulimaadkii u horeeyay oo rakaab ah muddo 40 sano ah, iyadoo diyaaraddu ay sameyn doonto duulimaadyo caadi ah todobaadkiiba saddex jeer oo ay ku imaan doonto Muqdisho.

Munaasabad lagu daah furayay duulimaadka cusub ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ka dhacday garoonka Aadan cadde, waxaa munaasabadda ka qeyb galay Safiirka Ethiopia u fadhiya Muqdisho Jamaaludiin, Duqa Muqdisho, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya, Madaxda Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Mas’uuliyiin kale.
Isku socodka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku dhowaad nus qarni ahaa mid hakad kujirey. Duulimaad toos ah oo isaga gudba labada dal ayaa qeyb ka qaadanaya is dhex galka shacabka Gobolka Geeska Afrika iyo ganacsiga.
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii labaad oo caalami oo duulimaad ka bilowda Muqdisho, horay waxaa sanadkii 2012 duulimaad rasmi ah ka bilowday Muqdisho Shirkadda Turkish Airlines oo ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah.

This slideshow requires JavaScript.

13 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here