Diyaarado siday Ciidamo iyo hub oo ka dagay Dhuusamareeb

0
275

Talaado, RBB News – wararka Idaacadda Banadir Ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Magaaladaas ay gaareen diyaarado sida hub, ciidan iyo gaadiidka gaashaaman, diyaaradahaas oo ka baxay Magaalada Muqdisho.

Waxaa lasoo sheegayaa in magaalada dhuusamareeb si weyn looga dareemayo imaanshaha ciidamada ay dirtay dowladda, tirada diyaaradaha gaaray magaalada dhuusamareeb ayaa lagu sheegay ilaa shan diyaaradood.

ciidamada saaka ka dagay garoonka magaalada ayaa la tilmaamayaa in ay ku biiri doonaan ciidamo horay dowladdu ugu dirtay dhuusamareeb, kuwaas oo ilaalin doona amniga Xarunta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo halka uu ka dhacayo shirka dibu hishiisiinta Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ku bixineysa sidii deegaanada galmudug looga dhisi lahaa maamul loo dhan yahay oo mideysan kana howlgala deegaanadaas iyadoo ay xusid mudan tahay in uu soo ifbaxeyso dhaliilo dowladda dhexe loo jeedinayo oo ku aadan in ay fulin weyday hishiis ay wada gaareen Ururka Ahlusuna waljameeca oo gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo kamida galmudug.