Dowlada Dhexe Oo Labo gaari ku wareejisay Maamulka Jubbaland.

0
117

Talaado, RBB News:- Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa labo Baabur oo looogu tala galay Kormeerada Dugsiyada iyo ka qeyb qaadashada Horumarinta waxbarashada ku wareejisay Wasaaradda Waxabarashada Jubbaland, Baabuurtan ayaa waay qeyb ka ahaayeen 11 baabuur oo ay ku deeqay mashruuca Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (Global Partnership for Education) Waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hey’adaha ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Abdinur Ahmed Jamac ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarshada jubbaland labadaasi Baabuurta, waxaana ka gudoomay Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Waxabarshadda Jubbalanad Ahmed Ab.

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hey’adaha ee Wasaaradda Waxbarashada Abdinur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Baabuurtaan ahmiyad ay u leedahay Horumarinta waxbarashada dalka, islamarkan waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan kartaa daba-galka iyo kormeerka Waxbarshada