Talaado RBB News:- Dowlada Masar ayaa sheegtay gaarigii shalay ku qarxay agagaarka xarunta Cancer-ka ee magaalada Qaahira uu ahaa weerar Argagixiso.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaan halka 47 kale ay ku Dhaawacmeen.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Masar ayaa lagu sheegay in darawalka kaxeynayay gaarigan uu ku socday jiho qaldan ka hor inta uu Rogman.

Qaraxa ka dhashay gaarigaan ayaa saameeyay gawaari kale oo taalay agagaarka Isbitaalka ee Cancer-ka magaalada Qaahira.

Wasaarada ayaa intaa raacisay in gaariga qarxay la qorsheynayay in lagu geesto weerar Argagixiso.

Masar ma aysan sheegin halka la damacsanaa iyo waqtiga uu dhici rabay Weerarkaan oo ay ku eedeysay kooxda Xasm.

Dhanka kale madaxweyne Cabdi Fatax Al-Siisii ayaa tacsi u diray ehelada asxaabta dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Weerarkaan.