Dowlada Oo Ciidamo Kudaadisay Wadad Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye.

0
333

Khamiis, RBB News:- Dowladda Somaliya ayaa waxay ciidan hor leh ku soo daadisay wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maalmihii Talaadada iyo Arbacada ayaa waxaa wadadaan lagu arkay ciidamadii ugu badnaa ee kuwa dowladda ah, iyagoo markaasi suggaaya amniga Injineerada Turkiga ee gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay markale dhegxaan ku gooyeen wadooyinka jid-cadayaasha iyo kuwa kale ee qarda-jeexa ah, ee soo gala wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye.

Tani ayaa waxay timid, xilli Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu shirkadda dhiseysa wadadaan iyo shaqaalaheedaba ah uu u ballanqaaday in amnigooda la suggi doono.

Injineerada Turkiga ayaa walaac xoogan ka muujiyay amnigooda, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay la beegsadeen laba weerar oo ismiidaamin ah, laguna dilay laba Injineer, halka lix kalena lagu dhaawacay.

Tallaabada Ciidamada Dowladda ay ku xireen wadooyinka doc-ka-tuurka loo yaqaano ee wadadaasi soo gala ayaa waxaa cabasho ka keenay darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye