Dowlada Oo Dhankeeda U Hanjabtay Odayashii Soo Xulay Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

0
453

Isniin RBB News:- Aadan Siraad Maxamuud oo ah Guddoomiye kuxigeenka degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay talaabo cad ay kaqaadi doonaan dadka qaata awaamiirta Al-Shabaab  islamarkaana lacagaha siiya dagaalamayaasha Alshabaab.

Digniintan Ay Soo saareen Maamulka degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa ayaa sidoo kale waxa ay udireen  qaar ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya eek u sugan degmadaas waxaana ay kaga digeen in ay aqbalaan oo ay qaataan amarkii dhawaan kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray in cid alaala cidii aada deegaanada Al-Shabaab ay maamulaan ama la macaamiisha in aan laga aqbali doonin,isla markaana tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

Sidoo Kale Taliska Amniga degmada Garbahaareey ayaa dhankooda  waxa ay sheegeen  in xilligaan dagaal xoogan uu kala dhaxeeyo Dagaaliyahaanada Alshabaab,isla markaana odaygii ama shaqsi kasta ee la macaamila ay la mid yihiin Al-Shabaab maxkamadna ay la tiigsan doonaan Haddii ay soo ogaadaan.

Alshabaab ayaa soo saaray Fariin wargalin ah oo ay Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu sheegayeen in ay iska soo diiwan galiyaan Al-shabaab haddi ay diidana ay lakulmayaan talaabo Nafsadooda lagu wax yeeleenayo waa sida ay Shabaabku Sheegeenee.

Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa waxaa soo wajahay caqabado kala duwan iyo hanjabaado uga imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Ururka Al-Shabaab.