Dowlada Oo Laga Dalbaday In Ay Soo wareejiso Wasiir Janan.

0
303

Isniin, RBB News:- War-saxaafadeed Kasoo Baxay Hay’adda Udooda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International ayaa Dowlada Kenya waxa looga dal baday in ay qabato Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur  Janan Kaasi oo ay kutilmaamtay Hay’addu in uu yahay Dimbiile geystay Tacadiyo kala duwan.

Hay’adda Ayaa Dowlada Kenya Ugu Baaqday in Wasiir Janan ay kuwareejiso Dowlada Dhexe Ee Somaliya Si loo marsiiyo Cadaalada Loona soo taago Maxkamad Sharci ah.

Amnesty International Ayaa Sheegtay In C,rashiid Janan uu 31-August ee Sanadkii Hore uu geystay Dimbiyo Culus taasi oo ay sheegtay in uu mudanyahay in uu maro Hanaan sharciga Cadaalada.

Warsaxaafadeedka Hay’adda Ayaa Lagu sheegay in Cadaalad daro ay tahay In C.rashiid Janan Oo Loo maleynayo in uu geystay Tacadiyo kadhan ah Xuquuqda aadanaha iyo Dimbiyo Kasoo Horjeeda Sharciyada Caalamka uu baxsad kanoqdo Cadaalada Ayna Dowlada Kenya Kutaageerto Arinkaasi.

Hay’adda Udooda Xuquuqda Aadanaha Ayaa Ugu Dambeyn Waxa ay Dowlada Kenya Ugu baaqday in ay Amarto qabashada Wasiir Janan Islamarkaana ay kuwareejiso Dowlada Somaliya.

Hay’adda ayaa Dowlada Soomaliya ugu baaqday dhankeeda haddii markale loosoo gacan galiyo C,Rashid janan in ay marsiiso Xukun cadaalad ah oo ay si deg deg ah kusoo taagto Maxkamadaha Sharciga.

28-kii Janaayo ayay Dowlada Somaliya Shaacisay in uu kabaxsaday C,rashiid Janan Xabsi Lagu hayay oo kuyaalay Magaalada Muqdisho.

Maalmo laweysnaa Kadib ayaa Doon siday C,rashiid Maxamed Cabdinuur Janan Ay Kadagtay Magaalada Kismaayo 31-kii Bishii hore waxaana isla maalintaasi Diyaarad Millatari oo ay leedahay Dowlada Keenya Ay Kaqaatay Magaalada Kismaayo ayadoo kadajisay Magaalada Nairobi Ee Caasiamada Dalkaasi Kenya.