DOHA (XOGTA) – Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay wado dadaal ay dhaqaale badan ugu raadineyso dowladda Federaalka Soomaaliya si loo hormariyo dadka iyo dalka.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya u raadinayaan dhaqaalle si ay u fududaadaan Fulinta Howlaha laga wado dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ka codsadeen sidii dowladad Soomaaliya loogu yaboohi lahaa dhaqaale aad u badan si ay u noqoto dowlad awood u leh hirgelinta mashaariicda horimarineed ee la doonayo in la fuliyo.
“Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad
“In la siiyo taageero buuxdo oo looga caawinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo la tixgeliyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyadoo dhinac aan lala safaneyn”. Ayuu sidoo kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowladda Qatar.
Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya.
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Iyada oo wax lagu dhisayo horumarka hadda la gaaray, waxaa waajib nagu ah in aan Soomaaliya taageerno iyo in aan oofinno ballamaheenna annaga oo Ixtiraameyno madaxbannaanida Soomaaliya iyo in aannu farogelin arrimaheeda gudaha ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah”.
Hadalka kasoo yeeray dowladda Qatar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro loolan u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya.
Isbaheysiga uu hoggaamiye Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay inay dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadato Khilaafka dowladaha Khaliijka halka Imaaraadka ay ku dadaaleyso inay Soomaaliya xiriirka u jarto dalka Qatar.
icelandreview
[…]below you will uncover the link to some websites that we believe you must visit[…]
anal numbing gel
[…]one of our visitors recently encouraged the following website[…]
thesouthafrican
[…]check below, are some completely unrelated web-sites to ours, even so, they are most trustworthy sources that we use[…]