Dowlada Somaliya Iyo Hay’addaha Samafalka Oo Kawada hadlay halisaha Caabuqa Karoonaha.

0
369

Axad, RBB News:- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa kulan deg-deg ah oo looga arrinsanayo qatarta sii baahayso ee cudurka Coronovirus la yeelatay qaar ka mid ah Safiirrada Caalamka ka jooga Dalka iyo hay’adaha samafalka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixasay halka uu marayo qorshaha Qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus, waxayna intaa raacisay in la diyaarinayo oo ay gaba-gabo marayaan goobo loogu talo-galay in  lagu karantiilo Dadka ka yimaada Dalalka uu cudurka saameeyay.

Drs; Fowziya ayaa ku baaqday in la yareeyo shirarka iyo safarradda dibedda loo aadayo, si looga feejignaado halista Coronavirus maadaama kiisaskii ugu horeeyay laga helay Dalalka aan dariska nahay ee Kenya iyo Itoobiya.

Xubno u hadlay hay’adaha samafalka iyo safiirada ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan ka hortagga cudurka coronavirus oo ay u geeriyoodeen in ka badan Seddex kun oo Qof.