Dowlada Soomaliya oo faah fahisay Qaraxi ka Dhacay Magaalada Muqdissho

0
288

Jimco, 5 April 2019 (RBB News) – Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in gaariga qarxay uu ahaa Primeo- Toyota ah, midabkiisu caddaan yahay uuna ku qarxay saacaddu markii xalay ay ahayd 7:10 PM fiidnimo meel ay ku yaallaan goobo ganacsi oo u dhaxaysa Isbitaalka Yardimeli iyo Dugsiga Janaraal Kaahiye.

Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha ku yaallay waxayna intaas raacisay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhimasho ah.

Janaraal Zakia ayaa dhammaan shacabka iyo bahda warbaahinta u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ilaa ay laamaha amniga ay ka xaqiijiyaan in meesha la tagi karo.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tiri “Annagoo ka jawaabeyna codsiyada ka yimid shacabka Gobolka Banaadir  waxaa Ciidanka Booliiska ay maanta hirgaliyeen khad telefoon oo ay si fudud shacabka noogala soo xiriir karaan, idinka oo si toos ah nooga soo wici kara 991 oo 24ka saac diyaar ah.

Halkaan ka dhageeyso Codka: