Dowladaha Somalia Iyo Masar Oo Hishiis Cusub Kala Saxiixday

0
221

Khamiis RBB News:- Wafdi ka socda dowladda masar oo soo gaaray magaalada muqdisho ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaana masuuliyiintan ay kawada hadleen sidii loo dhaqan galin lahaa heshiisyadii iskaashi ee labada dhinac ay horey u wada saxiixdeen

Wasiir cabdullaahi cali xasan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay masuuliyiinta masar imaanshiyahooda la xiriira sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiisyadii hore iyo in ay kala saxiixdan heshiisyo cusub oo masar ay uga qeyb qaadaneyso horumarada kobaca dhaqaale ee soomaaliya

Masuuliyiinta masar ayaa waxaa hor boodayay Safiir ku Xigeenka Dowladda Masar Mohamed Emad El-Gindy iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Bangiga Masar (Banque Misr) oo uu matalaayey Maareeye ku Xigeenka Maamulka Bangiga Masar, Mohamed Gamal Mohamed. Iyagoo ka mahadceliyay sida wacan ee looso dhaweyay

Kadib soodhaweynta masuuliyiinta ayaaa u kuur galay sida ay u shaqeyso wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyago bogaadiyay horumarada wasaarada

Gabagabada kulankooda ayaa waxaa ay qalinka ku duugeen heshiis ay dowladda masar kaga qeyb qaadaneyso maalgelinada soomaaliya ee dhinaca ganacsiga si ay uga qeyb noqdaan kobaca dhaqaale ee soomaaliya

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xili R/wasaare Ku-xigeenka XFS mahdi maxamed guleed qadar uu dalka Masar uga qeybgalay shirka Nabadda Waarta iyo Horumarinta Africa