Dowladda Ethiopia oo sharci cusub kasoo saartay isticmaalka maandooriyaha.

9
2011

Arbaco 06 Feebarayo 2019 (RBB News) – Fadhi ay yeesheen Aqalka wakiilada dalka Ethiopia ayey ku ansixiyeen hindise sharciyeed lagu mamnuucaayo in sigaarka lagu cabbo goobaha ay dadka isugu yimaadaan iyo in khamriga laga xayeeysiiyo warbaahinta dalkaasi.

Waxyaabaha uu mamnuucay hindise sharciyeedkaan cusub ayaa waxaa kamid ah in meel u jirta 100 Miitar xarumaha caafimaadka, goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo goobaha shaqada aanan lagu cabbi karin sigaarka.

In aan khamriga laga iibin dadka ay da’doodu ka yar tahay 21 sano ayaa kamid ah hindise sharciyeedka cusub ee Ethiopia.

Kalfadhiga 24-aad ee golaha baarlamaanka Ethiopia ayaa la filaya in ay ku ansixiyaan hindise sharciyeedkaan cusub ee la xiriira dhanka maandooriyaha.

9 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here