Dowladda oo sheegtay in la dilay horjoogihii weerarkii mand bay

0
278

Arbaco, RBB News – Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa la sheegay in lagu dilay hogaamiye ka tirsan Alshabaab, oo lala xiriirinayo weerarkii Manda Bay ee lagu dilay askar Alshabaab la dagaalanta, oo Maraykan ah sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA.

Duqeynta kadib, ayaa lagu xaqiijyey baaritaan in mid ka mid labadii ruux ee lagu dilay weerarkii qorsheysnaa ee ka dhacay meel u dhaw magaalada Saakow ee Jubbada Dhexe 22keedii Febraayo uu ahaa shaqsi lala xiriirinayo weerarkii Al-shabaab ee Manda Bay, Kenya.

Warkan ayaa lagu sheegay in Mid kamida Shaqsiyaadka la dilay,  uu madax ka ahaa qorshaynta iyo agaasinka hawlgalada xuduudda Kenya ay ka fuliyaan Alshabaab, waxaana ka mid ahaa kii dhawaan ka dhacay Manda Bay.

Shaqsiga labaad, ayaa la tilmaamay in xaaskiisu ay ahayd xubin firfricoon oo xeeladeedu sareyso oo ka tirsan Alshabab, iyadoo mas’uul ka ahayd sida la sheegay fududeynta hawlgalo argagixiso oo baahsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Dowladda Mareyka ee AFRICOM iyo AMISOM, waxay sii wadi doonaan baa lagu yiri warkan tallaabo ka qaadidda Al-shabaab, si looga horjoogsado in ay qorsheeyaan ama fuliyaan weeraro, gaar ahaanna laga hortago weerarada ay u geystaan ragga, dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Horumar la taaban karo laga gaaray Soomaaliya gaar ahaan dagaalada lala galo Alshabaab.

Warkan kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, Danab iyo ciidamada garab siiya ay al-Shabab kala wareegeen dhul istaraatiiji ah, oo ay ku xoog badneyd kuna yaala Koonfurta Soomaaliya, kaasoo hadda ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan, lagana sameeyay difaacyo xoog leh.