Dowladda Sacuudiga oo faahfaahin ka bixisay xaaladda caafimaad ee boqor Salmaan

0
424

Somaliland oo war cusub ka soo saartay dacwadii BBC-da | Caasimada ...

Wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in lagu guulaystay qalliin lagu sameeyay boqor Salman.

Wakaalada ayaa intaa ku dartay in qalliinka looga sameeyay Kaadi-haysta islamarkana uu muddo isbataalka uu ku sii jiri ddono.

Toddobaadkan ayaa ahayd markii isbataalka la dhigay boqor Salmaan.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa waxay sheegeen in dhakhaatiirta ay ku taliyeen in boqor Salmaan uu isbataalka ku sii jiro.

Boqor Salmaan oo 82 jir ah ayaa boqortooyada Sacuudiga xukumayay tan 2015.

Taariikh kooban

Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis waxaa uu dhashay 31 bishii December sanadkii 1935.

Waxaa uu mar noqday barasaab ku xigeenka magaalada Riyaad.

Balse markii dambe waxaa laga dhigay Barasaabka magaalada Riyaad xilkaasi oo uu hayay muddo 48 sano ah.

Boqor Salmaan ayaa waxaa uu sidoo kale mar soo noqday wasiirka gaashaandhiga Sacuudiga.

Xilka dhaxal-sugaha ayaa loo magacaabay sanaddii 2012 ka dib markii uu walaalkii Naayif Binu Cabdul Casiis geeriyooday.

Boqor Salmaan ayaa xilka boqortooyada la wareegay sanaddii 2015 markaasi oo uu geeriyooday walaalkii boqor Cabddala.