Dowladda Soomaaliya oo lawareegtay Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal.

0
133

Sabti RBB News:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 700 oo Askari iyo Gaadiid dagaal kala wareegtay maamulka Ahlu Sunna ee Degmooyinka Caabud-waaq iyo Balanballe si loo Qarameeyo.

Munaasabadda wareejinta Hubka iyo Ciidanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Xildhibaanno , mas’uuliyiinta maamulka Degmada Balanballe Saraakiil iyo madax kale.

Ciidanka, Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee la wareejiyay ayaa waxaa guddoonsiiyay madaxda iyo Saraakiisha ka socotay Dowladda dhexe ee Soomaaliya, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa soo dhoweyn ka dib, Dowladda dhexe ee Soomaaliya ka codsaday in ay Ciidanka la Qarameynayo ka helaan Gacan buuxda, sida Gaadiidka, Garaaddaha iyo abaal marinnada kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay in ay Soomaaliya kasoo daashay, Dowlad la’aan iyo kala qeybsanaan, isagoo ka codsaday in aan dhismaha Ciidamada lagu hallayn oo keliya Madaxweynaha, Wasiirrada iyo taliyeyaasha, balse cid walba looga baahan yahay in ay kaalin ka qaadato soo celinta Qarannimadii Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal; Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe), ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin inuu arko Dhallin yaro intaa la’eg oo kusoo biireysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Todobaadkii lasoo dhaafay la wareegtay Ciidankii AhluSunna ee Magaalada Dhuusamareen, iyadoo halkaasi laga billaabay diiwaan gelinta iyo Qaramaynta Ciidankii AhluSunna Waljamaaca