Dowladda Soomaaliya Oo Sanadkan bixin doonta Bilad lagu xusuusan doono Hodan Naaleeye

0
363

Talaado, RBB News – Dowlada soomaaliya ayaa sheegtay in ay sanadka kasta Dowlada ay bixin doonto bilad lagu xasuusto alle ha u naxariiste marxuumad Hodan Naaleeye lana sii doono mid kamid ah qurba joogta soomaaliyeed ee la is leeyahay bulshada ayuu wax muuqda u qabtay

qoraalka ayaa u qornaa sidan:

Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed.

Hodan Naaleeye ayaa kamid ahayd qurbajoogta soomaaliyeed ee sida weyn loogu yaqiinay in ay aduunka tusto kheyraadka iyo waxyaabaha qaniga uu ku yahay dalkeenna, waxay Hodan ku nooleyd Dalka Canada iyadoo halkaasi ka furtay Integration Tv kaas oo baahin jiray waxyaabaha caanka ay ku yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Hodan Naaleeye iyo Seygeeda ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriooday Gabal dhicii maalintii jimcada weerar Alshabaab ay ku qaadeen Hotel Madiina Magaalada Kismaayo Ee Xarunta ku meel gaarka ah Ee Maamulka Jubbaland.