Duqa Cusub Ee Muqdisho Oo Lakulmay Qoyskii Marxuum Eng Yariisow.

0
256

Isniin RBB News:- Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ayaa waxa uu la kulmay qoyska Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo hoygooda ku booqday qoyska marxuumka ayaa sheegay in uu kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid aabahood.

“Xaaska iyo carruurta Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah waxaan uga tacsiyeeyay geeridii ku timid aabahood Eng. Yariisow.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku waramaya in dardaaran adag ay u soo jeediyeen qoyska Eng. Yariisow, isagoo intaa ku daray in uu ka ballanqaaday fulinta dardaarankooda.

“Waxay i soo jeediyeen dardaaran culus, kaas oo ay sheegeen in ay muhiim tahay in hadafyadii uu caasimadda kalahaa aabahood inaan hirgeliyo, waana ka ballanqaaday in aan dabaqi doono insha’Allah.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Yariisow ayaa sanad iyo bar ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana uu 1-dii bishan u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray qaraxii 24-kii bishii hore ee July ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.