Duqa Muqdisho Oo Maamulka Dagmoyinka Ku Amray Xaqiijinta Amniga.

0
211

Khamiis RBB News:-  Cumar Maxamuud Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolkan ayaa Xalay yeeshay kulankooda Todobaadlaha ah.

Kulanka waxaa shir Guddoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ayadok ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka sare ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka.

Inta badan shirka ayaa diirada lagu saaray
Xoojinta amniga Muqdisho oo habeen kahor uu ka dhacay Qarax Geystay Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo Dhaawac.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay bilic soo celinta nadaafada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa daqliga kala duwan dowlada hoose ee xamar soo gala.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa Maamulka Dagmooyinka Kadhageystay Warbixino Laxariira Amaanka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa Maamulka Dagmooyinka faray in ay dardar geliyaan sugida Amniga degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin,isla markaana ay wadashaqyen la yeeshaan Bulshada kunool Degmada Ayaa maamulaan iyo Dagmooyinka Jaarka la ah.