Duqa Muqdisho Oo Xariga Kajaray Xarun Loogu Shaqeynayo 8 Degmo.

0
240

Axad, RBB News:- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xaruta labaad oo ay ku shaqeyneyso hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xaruntan ayaa waxaa laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxaana ay wax uqaban doontaa shacabka ku dhaqan 8 Degmo oo satirsan Dedmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka Cabdicasiis, Shangaani,
Xamar Weyne, Boondheere, Shibis,
Kaaraan, Yaaaqshid iyo Hiliwaa ayaa loogu shaqeyn doonaa Xarunta cusub oo ay ku shaqeyneyso hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Munaasabadda lagu daah furayay Xaruntaan muhiimka u ah adeegyada kala duwan ee hay’addu ay bulshada u heyso ayaa waxaa kaqeyb galay saraakiil ka tirsan dowladda,agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda korneyl Maxamed Aadan Koofi,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.