Duqeyn Lagu Dilay Horjoogr katirsan Alshabaab Oo Laga Fuliyay Jubadda Hoose.

0
264

Axad RBB News:- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Milatariga Mareynkanka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa shalay gelinkii dambe waxay duqeyn xagga cirka ah ka fulisay degmada Bangeeni ee gobolka Jubbada hoose,halkaas oo lagu dilay saddex maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warka duqeynta ayaa lagu sheegay ineysan jirin wax dhibaato ah oo dadka rayidka ah ka soo gaaray weerarkaas.

Weerarka ka dib, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib uga gurtay deegaanada la duqeeyay,waxayna ciidamada xoogga dalka ee Danab ay sii wadeen howlgalkooda ka dhanka ah argagixisada.

Duqeymaha iyo dagaalada ka dhanka argagixisada Al-Shabaab ee dhawaan dhacay ayaa muujinaya sida ay ciidanka Xoogga dalka iyo la-hawlgalayaashooda uga go’an tahay in cadaaladda la horkeeno kuwa argagax gelinaya shacabaka Soomaaliyeed iyo Walaalahooda Bariga Afrika ku dhaqan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa hadda bilaabay iney ka cararaan goobaha fara ku tiriska ee ay kaga harsan yihiin dalkeenna Soomaaliya ka dib markii ay culeys Milatari kala kulmeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibada taageeraya.