Edogan Oo kadigay Dagaal Kadhaca Suuriya.

0
328

Sabt, RBB News:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu bilaabayo hawlgal milatari uu ka sameeyo waqooyiga-galbeed ee gobolka Idlib haddii aan dagaalku halkaasi ka dhicin.

Duulaanka ayaa ruxay gobolka, oo ah meesha ugu dambeysa ee mucaaradka ku xoogan yahay ku dhawaad sagaal sano waxa dalkaasi kasocda dagaal xoogan, iyadoo boqolaal kun ay ku sii jeedinayaan Turkiga si ay uga baxsadaan xaalad degdeg ah oo xawli ku socota ciidamada dowladda.

Ciidamada Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo ay taageerayaan Ciidamada awoodda cirka ee Ruushka, waxay si dhaqso leh ugu dhaqaaqeen Idlib.

“Uma oggolaan doonno xukunka naxariis darada ah ee lagu hayo shacbiga, iyadoo la adeegsanayo weeraro iyo sababa dhiig badan uu kudaato,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan Jimcihii.

Ololihii ugu dambeeyay ayaa sare u qaaday xiisada u dhaxeysa Ankara iyo Moscow ayagoo kala taageersan dhinacyada isaga soo horjeedo Siyaasada Suuriya.

Turkiga ayaa waxa uu 12 goobood oo Xarumo milateri ah kuleeyahay agagaarka Gobolka Idlib, waxaana saldhigyadaasi ay daganyihiin Ciidamda Turkiga tan iyo 2017-kii kadiib Markii hishiis ay lagaareen Dowladaha Ruushka iyo Iran.

Erdogan wuxuu ku eedeeyay Raashka inay jabisay heshiisyo ay ku yareyneyso dagaalka Idlib, waxaana Xukuuumada Moscow ay beenisay eedeymahaas uu ujeediyay Madaxweynaha Turkiga.

Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay in Idlib ay u ahayd goob dagaalyahano ay ku beegsadaan ciidamada Siiriya iyo garoonka diyaaradeed ee Ruushku ku leeyahay Gudaha Suuriya.

Turkiga, oo horey u martigaliyay 3.6 milyan oo qaxooti ah oo ka yimid Syria, ayaa ka cabsi qaba mowjado muhaajiriin ah oo ka imanaya Idlib.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Khamiista ayaa lagu qiyaasey in 390,000 oo qof ay ka carareen waqooyiga-galbeed ee Syria intii u dhaxeysay 1dii Diseembar iyo 27-kii Janaayo, boqolkiiba 80 ka mid ah waa dumar iyo caruur.

Erdogan ayaa Shalay ku celceliyay in Turkiga aysan xamili karin qulqulka muhaajiriinta cusub isla markaana aysan u oggolaan doonin Dhibaatooyin cusub ay ka dhacaan xuduudaheeda, isagoo xitaa sheegay haddii xal kale lawaayo inay u adeegsanayaan awood milateri.

“Waxaan sameyn doonaa wixii lagama maarmaan ah marka qof uu hanjabayo dhulkeena. Ma haysanno wax door ah oo aan ahayn inaan mar kale isla jidkaas ku dhaqaaqno haddii xaaladda Idlib aan si dhakhso ah loogu soo celin, ” ayuu yidhi Erdogan.

Turkiga, oo taageeraya fallaagada mucaaradka ee u dagaallamaya sidii looga saari lahaa Xulafada Madaxweyne Assad, ayaa dhowr jeer weydiistay inuu xukunka ka dego, xitaa iyadoo Iran, Ruushka iyo Turkiga ay sheegeen inay raadinayaan xal siyaasadeed