Ex Mw Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

0
354

Isniin RBB News:-qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Mw Sheekh Shariif kula kulmay Hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay.

Ujeedka ugu weyn ee booqashada Odaaysha dhaqanka ayaa ahaa sidii Sheekh Shariif ay uga raaligelin lahaa yeen ishortaagi lagu sameeyay socdaalkii uu ku tagi lahaa Magaalada Kismaayo.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa Madaxweyne Shariif u sheegay inay ka xun yihiin is hortaaggi lagu sameeyey wafdigi uu hogaaminayay ee ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa Odyaasha dhaqanka uga mahadceliyay sidii ay u sharfeen isagoo ka dalbaday in hal meel looga soo wada jeesto cid walba oo ku xad gudubta sareynta Sharciga.

Ugu danbeyn Odayaasha iyo Sheekh shariif ayaa ku balamay in la qabto madal looga arrinsanayo xadgudubka ay wado Dowladda Mw Farmaajo.

Sawirka Himilo Qaran.