Faafaahin :- Dil ka dhacay magaalada Boosaaso

0
180

Arbaco, RBB News – Dabley hubeysan ayaa xalay waxay toogasho ku dileen Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Khuurshe xili uu marayey bartamaha magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxdii dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta ay ka geysteen dilka.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilka Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr jeer magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay dilal loo geystay Askar iyo shaqaale kale oo ka tirsan maamulka Puntland.