Faafaahin:- Qarax ay ku geeriyoodeen Xubno katirsan Alshabaab

0
284

Arbaco, RBB News – faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Gobolka Mudug, qaraxaan aya la sheegay in uu ka dhashay gaari ay la socdeen Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Gaariga ayaa ka tagey Degmada Xarardheere wuxuuna ku qarxay deegaan hoos-tagga degmadaasi oo lagu magacaabo Dabagalo, oo u dhow deegaanka Miliqo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga oo noociisu uu ahaa Leyla Calaawi, waxaana la socday saddex ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab, dhamaantoodna waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxaasi.

ma jirto wax war ah oo ay ka soo saareen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Mudug iyo Masuuliyiinta Xarakada Alshabaab.

Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, kaas oo sababay dhimashada dad ku dhow toban ruux, tiro intaasi ka badana waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen.