Faafaahin :- Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Dr Congo

0
295

Arbaco, RBB News – Faafaahino Ayaa kasoo baxaya Weerar qasaare geystay oo ka dhacay Mangina oo ku taala waqooyi-bari Dalka  Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay weerarkaas ku geeriyoodeen ugu yaraan 12 qof. Halka dad intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Alliyiinta ee dalkaasi ka dagaalanta ayaa lagu tuhmayaa inay ka dambeeyaan ama ay fulinayeen weerarka iyagoo adeegsanaya waxyaabaha qaraxa iyo qoryaha.

Boqolaal kun ayaa ka cararay gobolka Beni labadii bilood ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay UNHCR, hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.