Faafaahino kasoo baxaya Qarax Ka dhacay Muqdisho

0
531

Isniin, RBB News – Warar kala duwan oo is xig xiga ayaa kasoo baxaya qarax inta badan laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Isgooska Digfeer Ee Degmada Hodan Sida ay Idaacadda Banaadir u xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ah.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa Oo noociisu ahaa Surf Madow ah ayaa la sheegay in uu ku qarxay isgooskaasi.

Ciidamadu Amniga ayaa la sheegay in ay markii hore ka shakiyeen gaariga oo ay risaas ku rideen dabadeedna uu qarxay sida goob joogayaashu inoo xaqiijiyeen.

Wali lama oga qasaaraha rasmiga ah Ee ka dhashay qaraxaasi inakstoo Ciidamada dowladda ay waqtigan baaritaano wadaan iyagoo xiray aagga uu qaraxu ka dhacay.

 

La soco Waqti Walba Waxii Soo kordha Insha Allah