Faafaahino laga helayo dagaal ka socda Gobolka Sanaag

0
171

Arbaco, RBB News – Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwa Soomaaliland oo ka socda deegaanka hadaaftimo ee Gobolka Sanaag.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamo katirsan Soomaaliland ay weerarka soo qaadeen taasna ay keentay ciidamada dowlad goboleedka Putland dagaal ay kala hortagaan.

Ilaa weli lama oga inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashay dagaalkaas inkastoo warar aan heleyno ay sheegayaan in uu jiro qasaare soo kala gaaray labada dhinac ee wada dagaalamaya.

Maalin ka hor ayey ahayd markii ciidamo ka kala tirsan Putland iyo Soomaaliland ay kuwada dagaalameen Gobolka Sanaag.