FAAH FAAHIN:- Alshabaaab Oo Dilay Oday 80 Jir Ah.

0
225

Sabti, RBB News:– Dabley looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Al-Shabaab ah ayaa odey 80 jir ah ku dilay magaalada Ijara ee Gobolka Gaarisa, kadib markii ay weerareen gurigiisa

Waxaa la soo sheegay in tiro aan la garaneyn oo ka tirsan dableydaan ay galeen guriga Mr. Abdullahi Farah Gaab oo ku yaal tuulada Sangole abbaare subaxnimadiii hore ee jimcaha maanta.

Xiriiriyaha dhanka Amniga ee Gobolka Waqooyi Bari Nicodemus Ndalama ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Warbixin ay boolisku soo saareen waxaa lagu sheegay in kooxdaan ay raadinayeen wiil uu dhalay odeyga la dilay, oo kamid ah booliiska kaydka.

Maleyshiyada ayaa sidoo kale gowracay riyo uu lahaa odayga ayna hilibkii qaateen.

Booliiska ayaa sheegay in markii Al-shabaab ay ku guul daraysteen in ay weeraraan ciidamada roondada ku jira ay sameeyeen fal fuleynimo ah.

“Waxaan si buuxda gacanta ugu haynaa xaaladda amni ee gobolkan mana jirto wax cabsi ah oo hadda laga qabo,” ayuu yidhi Xiriiriyaha dhanka Amniga ee Gobolka Waqooyi Bari