FAAH FAAHIN:- Alshabaab Oo weeraray Saldhig Ciidamada Kenya ay Kuleeyihiin Gobolka J/Hoose.

0
278

Isniin, RBB News:- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dagalamayaal ka tirsan alshabab aay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada kenya aay ku leyihiin deegaanka kulbiyoow ee gobolka jupada hoose

Weerarkan ayaa waxa uu socday saacado badan waxana uuna dhaliyay qasaare kala duwan oo lapada dhinacba soo kala gaaray

Dadka deeganka oo aan la xariirnay balse diiday inan codkooda u adeeegsano mediaha ayaa waxa aay sheegeen in aay maqlayeen rasaas culus oo aay lapada dhinac aay is weydaasanayeen

Is waliba weerarkan oo dhacay xallay saqdii dhexe ma jiran war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada dagalamay iyo sidoo kale qasaaraha saxda ee jirra

Ciiiidamada aay kenya ayaaa maanta oo isniin ah waxa aay wadaan dhaq dhaaqyo ciidan ee lagu sugayo amniga

Kenya ayaa waxa looga bartay markii alshabaab aay weerar kusoo qaadan inay waxyelo u geystaan deegaanka uu dagaalku ka dhaco waxa aay simana shacabka iyo shabab

Weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo aadaya 24 Saac markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada SIMBA ee Gobolka lamu halkaas oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Cirka ee dalalka Mareykanka iyo Kenya