FAAH FAAHIN:- Ciidamo Katirsn AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Degmada Hilwaa

0
344

Sabti, RBB News:- kolonyo Katirsan Ciidamada Amisom oo marayay Isgoyska Ex Koontarool Balcad Ayaa waxaa saakay Halkaasi lagula eegtay qarax Miino

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggiisa laga maqlayo xaafado kala duwan oo Muqdisho ah, waxaana qaraxa kaddib ay Ciidamada AMISOM fureen rasaas culus oo la sheegayo in dad rayid ah ay waxyeelo soo gaartay oo ka ag dhowaa goobta, balse weli si dhab ah looma oga khasaaraha

Ciidamo katirsan Dowlada iyo Amisom ayaa goobta gaaray ayagoo oo durbadiiba hakiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaana lasoo sheegayaa in qasaaro xoogan uusoo gaaray gaariga laqarxiyay