FAAH FAAHIN:- Dagaal Dowlada Iyo Alshabaab Kudhaxmaray Degmada Qoryooleey.

0
225

Arbaco, RBB News:- Waxa ay faah faahino kala duwan ay kasoo baxayaan Dagaal Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab ku dhaxmaray Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerar culus oo ku bilaawday Qaraxyo ayeey subaxnimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Qoryoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo war ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in ay iska difaaceen sida ay hadalka u dhigeen weerar uga yimid dhinaca xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka dhinaca Al-shabaab looga dilay saddex dagaalame, isla markaana ay ka furteen hub ay wateen oo uu ka mid yahay qoriga BKMka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu intaa ku darray in Al-shabaab qorshaoodu ahaa in ay qarxiyaan Buundado uu maamulku dib u dayac-daray oo mar hore burburiyeen dagaalamayaal iyaga ka tirsan

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in laba qarax ay ku weerartay  Saldhiga Ciidamada dowladda ee Qoryooleey, isla markaana dagaalyahano ka  tirsan Shabaab ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta degmada