DAAWO:- Gabar 15 jir ah oo Lagu Kufsaday Degmada Yaaqshiid.

0
1844

Isniin, RBB News:- Dhacdooyinka Kufsiga iyo Afduubka la xariira wa ay xergo goosteen, dhowr jeer ayeyna ka dhaceen Gobolada Dalka.

Koox rag ah oo saddex ruux gaarayay ayaa degmada yaaqshiid gaar ahaan laanta Hiigan waxay afduubta iyo Kufsi ugu geysteen gabar 15 sano jir ah oo halkaas u timid sidii ay u kaabi lahayn nolosha qoyskeeda oo ku nool deegaanka weydow.

Saddexda ragga ah ayaa la sheegay in ay wateen tooreeyo kuna cabsi galiyeen gabdha dabadeedna ay xeysteen xili duhur ah.

taas oo toosh ku ifineysa Heerka amni daro ee ka jirta Degmada yaaqshiid oo horay ula daalaadhaceysay dhaca moobilada maalin iyo habeenba kooxo burcad ay ka geystaan degmadaas.

Xogta ku saabsan gabadha afduubka iyo Kufsiga loogu geystay degmada Yaaqshiid xili ay nasoo gaartay ayaa waxa inoo suura gashay inaa la xariirno hooyo Xabiibo Cali oo ah hooyada dhashay gabadha gabood falka loo geystay waxay inooga warantay sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale waxaa la xariirnay gudoomiyaha Laanta Heegan ee degmada Yaaqshiid Sh Abukar Sh Cali waxa uuna sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigeen Labo kamida raggaas oo mid kamid ahaa ahaa fududeeye halka kan kalena uu ahaa mid kamida raggii kufsiga u geystay gabadha.

Hadda waxa uu sheegay in kiiska arinta loo wareejiyay Saldhigga degmada.

Gobood falada loo geysanayo gabdhaha da’yar isdaba joog ayey noqdeen horay ayaan u ogeyn kufsigii degmada Afgooye ee shabeelaha hoose loogu geystay gabdho yar yar oo da’dooda kala ahayd 3 sano iyo 4 sano jir.

Xadgudubyada dumar gudaha Soomaaliya tusbax go’ay sidii ayey noqdeen, Cambaareyntu waa isdaba joog xili walba Balse weli waxaanan lahayn cid wax ka qabashadeeda dhabarka u xerata.