FAAH FAAHIN:- Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Kaxda Oo Kudhaawacmay Qarax Lagula Eegtay Xoosh

0
338

Sabti, RBB News:- Faah faahin kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo saakay lala eegtay gaari uu saarnaa Mas’uul katirsanaa Defmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir.

Qarax miino ayaa waxa uu kadhacay Isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeenley lagula eegtay Gaari uu la socday Guddoomiye kuxigeenka degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka uu dhaawacmay, halka saddex ka mid ah Ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen qaraxa.

Gaariga uu la socday Guddoomiye kuxigeenka Kaxda oo ahaa nooca Soomaalida u taqaan Qooqan ayaa waxyeelo soo gaartay