Faah faahin ku saabsan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

57
3076

Sabti, July, 14, 2018 (RBB) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo maataanno ah oo kuwaa oo durnimadii maaanta ka dhacay Agagaarka SYL gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Beerta Nabada.

Wariyayaal tagay goobta ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay arkeen meydadka rag ku labisnaa dareyska ciidamada laakiin loo maleynayo in ay ahaayeen dabley Qaraxyada kaddib iska horimaad uu dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan Lix ruux oo ay ku jiraan Dableydii weerarka geystay ayaa ku dhintay Qaraxyadan  sida laga soo xigtay goob joogayaal.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa yaala Barkoontarool oo laga ilaaliyo amaanka madaxtooyada Soomaaliya, waxaan labada Qarax kaddib la maqlay rasaas xooggan oo u muuqatay in ay is weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay wali warbaahinta la hadlin, waxaana lagu waddaa in goordhow ay goobta yimaadaam Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa imanaya Labo cisho uun kaddib markii uu weerar ku bilaawday Qaraxyo sidan oo kale lagu bartilmaameedsaday Isgoyska Siyadka gaar ahaan xaruta Wasaarraddaha arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay gudaha u galleen rag hubeysan waxaa weerarkaa ku dhintay ku dhawaad 17 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaalle dowladeed.

57 COMMENTS

  1. I do not even know how I ended up here, but I thought this post was good. I don’t know who you are but certainly you’re going to a famous blogger if you are not already 😉 Cheers!

  2. Do you have a spam problem on this website; I also
    am a blogger, and I was curious about your situation; many
    of us have created some nice practices and we are looking to swap strategies with others, why
    not shoot me an email if interested.

  3. I’m really enjoying the design and layout of
    your website. It’s a very easy on the eyes which makes it much more
    enjoyable for me to come here and visit more often. Did
    you hire out a developer to create your theme? Great work!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here