FAAH FAAHIN:- Mareykanka Oo Ka hadlay Duqeyn Kadhacday Jilib

0
744

Talaado, RBB News:- War ka soo baxay taliska Mareykanka Ee AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Saraakiisha Cidamada Dowlada ayaa Sheegay in Dagaaliyahaanada Xarakada Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay isaga baxaan deegaamo Katitsan Jubada Dhexe Kadib duqeynta Mareynkanka oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda ay fuliyeen,kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha Alshabaab ay kaga suganyihiin dalka.