Faah Faahin: Weerar Ismiidaamin ah Oo Kadhacay EX Koontarool Afgooye.

0
139

Sabti, RBB News:- Wararka ka imanaya Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lagu weerarray Barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan hay’addaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday waaxda maaliyada ama canshuuraha ee Koontaroolka laga soo galo magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa siweyn looga maqlay jugtiisa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta hadda gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.