FAAH FAAHIN:- Xariga Fanaan Cabdi Dhaanto Oo Xabsiga Ladhigay.

0
283

Talaado, RBB News:- Ciidamada Amaanka Dowlada Somaliya ayaa xalay Waxa ay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir kaqabteen Fanaan Cabdi Dhaanto.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya Xariga Fanaanka ayadoo laamaha amaanka ay baadi goob ugu jiraan maalmihii Dambe.

Hadalhayn badan ayaa ka dhalatay muuqaalkii uu Fanaan Abshir Gaarane uu ka soo muuqday toddobaadkii hore, kuna qirtay xubinimadiisa Ururka Al Shabaab.

Inta aan laxirin Fanaanka ayuu bartiisa Facebooka Waxa uu kutaabacay in Uu kusuganyahay Xarunta Degmada Hodan waxaana uu ku sheegay sababta uu utagay Xarunta Degmada in uu dacweeyay Shaqsi Katirsan Maxkamada Sare kadib markii ay is afgaareen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa si hoose Warbaahinta gudaha ugu sheegay inay xabsiga soo dhigeen Fannaanka Cabdi Dhaanto.

Xogo Hoose oo ay heshay Idaacada Banadir ayaa sheegayo in Fannaanka lagu haysto muuqaal uu maalmo ka hor barraha bulshada soo geliyay, kaasoo uu ku sheegaayay Fannaankii kale ee Abshir Gaarane oo ay Hay’adda NISA xirtay in lagu khasbay inuu sheegto in uu ka tirsan yahay Al Shabaab.