Faah-faahino dheeri ah oo laga helayo Markab laga leeyahay Turkiga oo lagu qabtay Bariga Liibiya.

0
296

Axad, RBB News:- Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Turkiga Hami Akosy ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, waxaana uu intaa raaciyay in ay ku timid cilad Farsamo.

Dowlada Turkiha ayaa sheegtay in Markab ay leedahay lagu qabtay badda Liibiya Saacidihii la soo Dhaafay.

Ahmed Mismari ayaa xaqiijiyay in ciidanka Badda ay istaajiyeen markab marayay meel u dhow badda magaalada Dirna ee bariga Liibiya, deetana ay ula soo dhaqaaqeen dekada Raas Al-Hilaal.

Arintaan ayaa imaaneysa saacado uun kadib markii Baarlamaanka Turkiga uu meel mariyay Sabtidii shalay heshiis milatari oo ay wada gaareen Ankara iyo Tripoli.

Mr Mismari ayaa dhanka kale ka gaabsaday in Macluumaad dheeri ah uu ka bixiyo Arintaan.

Ciidanka badda ee ku sugan bariga Liibiya ayaa dhanka kale muuqaalo arintaan muujinaya iyo baasaboorada ay wateen sadax naaquude oo saarnaa markabka la wadaagay wakaalada wararka ee Reuters.