Fanaan caan ah oo fankii isaga baxay

0
236

Arbaco RBB News:-Waa hubaal in dowga wanaagsan iyo jidka naxariista lagu helo in uu eebe weyne uhadeeyo dadka uu jecel yahay.

Fanaanka Codka macaanaa ee Heesihiisa Laxanka isaga saran jiray,ka mid ahaa kuwoo Fanka Sanadihii dhexe aad loogu jeclaa Maxamed Axmed Qoomaal ayaa ugu dambeyn ka baxay Fanka.

Isagoo Sacuudiga ku sugan ayaa la arkay isagoo Masjid dhex fadhiya,Kutub la gudoonsiinayo,si marxabeyn iyo Niyad furnaan loo muujinayey.

Waxa uu soo geba gabeeyey Masraxii Muusikada isagoo sheegay Inuu Masjidka iyo Cibaadada uu usoo jeestay hadda iyo wixii ka dambeeyey.

Dhowr Fanaan ayaa sidaan oo kale Fanka ka baxay,iyagoo sheegay in Alle Dembi dhaaf weydiisanayaan,qaarkood ayaana Masjid Ka adima,sida C/llaahi Zulfa.