Fowziyo Yuusuf “Canaanta Madaxweyne Museveni yaan loo arkin colaad

16
2566

Arbaco 30 Janaayo 2019 (RBB News) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda ee ahaa in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad nidaamsan maamusha.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka digtay in lagu degdego tallaabo ay dowladdu ka qaado dowladaha iyo hey’adaha taageera Soomaaliya.

Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in Uganda ay dhiig badan u daadisay Soomaaliya, illaa iyo hadda garab taagan tahay, sidaas darteedna canaanta Madaxweyne Museveni aan loo arkin colaad.

“Waxaa nasiib darro ah in markale lagu degdego tallaabo laga Qaado hay’adaha ama dawladaha u heellan, taakuladeenna iyo ilaalinta nadgelyadeenna, Uganda waxay inoo daadisay dhiig badan ilaa haddaan way inna garab taagan tahay. Ma aha in canaanteeda colaad loo arko”ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam.

Dhinaca kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Soomaaliya ay abaal weyn u heyso dowladda iyo Shacabka Uganda, isagoo xusay in hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Museveni aysan aheyn mid ku haboon shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan nahay dal ay ka jirto Dowlad shaqeysa, aduunka ayaa laga aqoonsan yahay Dowladda Soomaaliya waxaana u dhameestiran hey’adihii Dowladnimo, Uganda halkaan waxaa u jooga Safiir, annagana waxaa noo jira Safiir dalka Uganda, Safiiro waxaa isu dirsada Dowlado, hadii aysan Soomaaliya Dowlad ka jirin muxuu qabanayaa Safiirkooda”, ayuu is weydiiyay Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Museveni inuu ahaa qof iska hadlay, isla markaana Soomaaliya ka jirto dowlad la aqoonsan yahay, waxaana uu xusay ka dowlad ahaan jawaab hoose oo diblomaasiyadeed u diri doonaan.

16 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here