Gaadiid Dhuxul u soo siday Magalada Muqdisho oo la gubay

0
328

Jimco, 29 Maarso 2019 (RBB News) – Wararka Idaacada Banadir ey ka heleeyso  deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in Gaadiid dhuxul u soo siday Magaalada Muqdisho lagu gubay Gobolkaas.

Saacadihii la soo dhaafay Gawaarida lagu gubay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa Saddex gaari,kuwaas oo dhuxul u soo siday Magalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen gubista Gawaaridaas, hayeeshee majirto wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.

Dhowr bilood ka hor ayaa xarakada Al-Shabaab waxaa ay Gaadiid dhuxul siday ku gubeen Wadada isku-xirta degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn, waxaana gaadiidkaas u soo wareegsadeen dhinaca Shabbeelaha dhexe oo hadana la gubay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa sara u kacay qiimaha la iibiyo Dhuxusha, kadib markii ay Al-Shabaab mamnuuceen ka Ganacsiga dhuxusha,isla markaana ay gubeen Dhowr gaadiid oo dhuxul siday.