Saddex Arday walaalo ah oo ku dhaawacmay gaari lagu rasaaseeyay Degmada Dharkiinley

0
322

Axad, May, 19, 2019 (RBB News) –  Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee Gobolkaan Banaadir, ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federalka Somaliya uu rasaaseeyay gaari ay la socdeen arday.

Gaarigaan ayaa wararka waxa ay tilmaamayaan inuu maraayay Koontarool ku yaallo Degmada Dharkiinley, waxaana la sheegay in Askarigaan uu rasaas ku furay.

Waxaa ku dhaawacmay Saddex Arday oo walaalo ah oo saarnaa gaariga la rasaaseeyay, iyadoo mid ka mid ah ardayda dhaawacyadooda uu yahay mid liito.

Ardayda ayaa waxa ay dhiganayeen Iskuulka Al-Anwaar (Ex Dhame Yaasiin Cartan), waxaana Ardayda dhaawacmay lagu kala magacaabaa Safiyo Daahir,  Zakariye Daahir iyo Hodan Daahir, saddexdooda waa walaalo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Askarigaan uu rasaasta ugu furay gaariga ay saarnaayeen ardayda ee maraayay Degmada Dharkiinley.