Gabtaalo lagu garaacay iskuul ku yaala Waqooyiga galbeed ee Suuuriya

0
283

Arbaco, RBB News – Ugu yaraan sideed qof, oo ay ku jiraan shan caruur ah, ayaa geeriyootay kadib markii gantaalo lagu garaacay iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee Suuriya oo hoy u ah dadka rayidka eebarakacay, sida kormeeraha iyo dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka sheegeen.

Weerarka ayaa lala beegsaday tuulada Jobas oo u dhow magaalada Saraqeb ee koonfurta gobolka Idlib, oo ah halka kooxdii ugu dambaysay ee dagaalyahannada dagaalku ka qarxo.

Ciidamada dowladda Siiriya ayaa sidoo kale hareereeyay xarun ay ku sugnaayeen goob joogeyaal Turki ah oo deegaanka ku sugnaa, kooxaha u ololeeya mucaaradka ayaa sidaas sheegay.

Dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka ayaa sheegaya in kabadan 40 tuulo ay hada gacanta ku hayaan ciidamada dowlada qeybo kamid ah koonfurta Idlib.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in ilaa 60,000 oo qof ay ka qaxeen aaggaas, kuna sii jeedeen dhinaca koonfureed, ka dib markii ay weeraradu sii xoogeysteen horaantii bishaan.

Kumanaan kale oo barakacayaal ah ayaa u sii cararey waqooyiga dhanka xadka Turkiga maalmihii dhawaa.

Gantaalka lagu qaaday iskuulka tuulada Jobas Shan caruur ah iyo haweeney ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay, sida ay sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Britain.

Suxufiga reer Siiriya ee Hussein Khattab ayaa xaqiijiyay isla dhimashadaas. Ciidamada Siiriya ayaa kusii siqaya magaalada kooxda fallaagada ugu yeeraan ay gacanta ku hayaan ee Maarat al-Numan oo ku taal wadada weyn ee isku xirta caasimada Dimishiq iyo magaalada waqooyiga Aleppo.

Dhanka kale Ciidamada Asad ayaa u muuqda kuwo go’aansaday inay ugu dambeyn dib u furaan waddo muhiim ah oo istiraatiiji ah, oo ay mucaaradka xireen tan iyo sanadkii 2012.

Kormeerka ayaa sheegay in ciidamada ay hada qiyaastii afar km (2.5 mayl) u jiraan Maarat al-Numan, isagoo intaa ku daray in ciidamada dowladda ee ka socda bariga ay hareereeyeen goobjoogga Turkiga ee ku dhow tuulada Surman.