Gacan Kuheynta Tooratoorow Oo la isku Heysto

0
173

Talaado, RBB News:- Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa saakay isu fidiyay xaafado ka mid ah deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay hawlgal amni xaqiijin ka wadaan Xaafadaha iyo deeganada u dhaw.

Wararka laga helayo deegaanka Toora Toorow ayaa sheegaya in Ciidanka Danab ay gudaha ugu jiraan qaybo ka mid ah Toora Toorow, isla-markaana ay baaritaan guri guri ah ka wadaan ayagoo baadi goobayo hub ama shaqsiyaad Katirsan Alshabaab.

Iyadoo la ogyahay in Al Shabaab ay muddo dheer ka arrimineysay deegaankaasi ayaa waxay hadana ciidanku ka feejigan yihiin in gudaha deegaankaasi ay iska soo abaabulaan xubno ka tirsan Al Shabaab.

Baaritaanka ayaa waxaa qayb ka ah mid deegaankaasi looga baadi-goobayo Dagaaliyahaano Katirsan Al Shabaab iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa, haddii ay hub iyo qaraxyaba uga taggeen halkaasi.

Dhanka kale Ciidanka Danab ayaa saacadihii ugu dambeeyay deegaankaasi ka samaystay fariisimo muhiim ah, oo looga hortaggaayo weerar ay ku soo qaadaan maleeshiyada Al Shabaab. Ciidanka ayaana labada cirif ee Toora Toorow ka qotay dhufeysyo.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) ayaa sheegay inaanay Ciidanka Danab dib uga soo bixi doonin deegaanka Toora Toorow, oo shalay laga saaray Al Shabaab

Dhanka kale Dagaaliyahaanada Alshabaab ayaa Saakay baahiyay in ay markale ay dib uqabsadeen Deegaanka Tooratooroow inkastoo aan laxaqiijin karin.

Majirto illo ka madax banaan labada dhinac oo laga ogaan karo Xaqiiqda cida gacanta ku heyso Deegaanka Tooratooroow Oo dadka, Dowlada iyo Shabaabkuba ay aaminsanyihiin In Toorayoorow ay Muhiim U ahayd Alshabaab.