Ganacsade Caawa lagu dilay Magalada Boosaaso

0
717

Talaado 12 Feebarayo 2019(RBB News) – Waxa ay faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxaan dil kooxo hubeysan ay magaalada boosaaso ugu geysteen nin Ganacsade ah.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash,waxaana la sheegay in uu Xisaabiye Guud ka ahaa Shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed.

Wariyeyaal ku sugan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in xilliga la dilayay Ganacsadaha uu ku sugnaa Xaafada Raf iyo Raaxo,isla markaana uu kasoo baxay Masjidka Cali Bin Abu-Daalib ee uu Salaadii Cisha kusoo dukaday.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray ayagoo howlgalo kasameeyay goobta.