Gobolka Hiiraan : xarumo Al-shabaab oo la duqeeyay

0
361

Isniin, Federaalka, 25, 2019 (RBB NEWS) – Saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu waramayaa in diyaarado dagaal duqeymo ka geysteen xarumo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaarr ahaan duqeynta lagu bartilmaameedsaday deegaanno u dhaxeeya  Magaalooyinka Baladweyne iyo iyo degmada Maxaas.

Taliyaha  Guutada 22aad  qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed Baakaay Daljir ayaa sheegay in duqeyntaas lala beegsaday  Saldhigyo AlShabaab ku leeyihiin gobolka Hiiraan,isla markaana khasaaro  lagu gaarsiiyey,hayeeshee ma uusan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Duqeynta xalay diyaaradaha dagaal ay ka geysteen deegaano ka tirsan  gobolka Hiiraan wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka  dhashay,waxaana saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan  ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan.

Mareykanka ayaa 24-kii Saac ee la soo dhaafay waxaa ay duqeymo ka geysteen degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose  iyo Hiiraan,waxana duqeyntii ka dhacday Shabeellaha Hoose Mareykanka uu  sheegay in uu ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.