Golaha Amaanka oo si kulul uga hadlay Muhaajiriinta laga laayay dalka Liibiya

0
222

Arbaco RBB News:- Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Liibiya Ghassan Salame, ayaa aad u canbaareeyay duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday xero qaxooti oo ku taal magaalada caasimada ah ee Tripoli oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

Mr Salame ayaa wuxuu sheegay in falkaan uu yahay tacadi bani aadanimo oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo danbi Dagaal.

Duqeynta oo dhacday xilli hore ee saaka oo arbaco ah ayaa lagu eedeyay in ay ka danbeeyaan maleeshiyada ku sugan bariga Liibiya oo uu hogaamiyo Jenaraalka lagu magacaabo Khaliifa Haftar oo dagaal kula jira xukuumada fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Dhanka kale arintaan ayaa dhalisay walaaca laga qabo siyaasada wadamada midowga Yurub ay kula macaamilayaan qaxootiga kuwaasi oo kula heshiiyay mucaaradka iyo dowlada Liibiya sidii lagu xakameyn lahaa qulqulka muhaajiriinta ku sugan Liibiya ee doonaya in tahriib qarka iska tuur ah ay ku galaan badda Mediterranean-ka.

Qaramada midoobay ayaa xaqiijisay in 44 qof oo qaxooti ah ay ku dhinteen duqeynta diyaaradeed halka 130 kalena ay ku dhaawacmeen.