Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

0
204

Sabti, RBB News:- Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 30-aad ee ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka ayaa waxaa shir guddominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayadoo ay goob ka ahaayeen Guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Kulanka Golaha Aqalka Sare waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda Qorsheynta.

Ku-simaha Guddoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddigaasi Senator Maxamed Cusmaan Faarax ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo qodobadii wax ka badal lagu sameeyay iyo lagu kordhiyay.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay doodda Hindise sharciyeedka, iyadoo Mudanayaasha qaar ay sheegeen in Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka uu muhiim u yahay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Cusmaan ayaa qodobada qaar ka hadlay, isagoo dhinaca kale u mahadceliyay gudiga Qorsheynta ee Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in Guddiga iyo Wasaaradda ay ka sugayaan inay ka soo shaqeeyaaan Hindise Sharciyeedka, ayna u soo celiyaan Golaha  si loo marsiiyo Akhrinta 3-aad.